Difaacii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa talo siiyay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, oo ku saabsan sida kooxdiisu ay u wajihi karto Real Madrid marka labada oo ay isku arkaan lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League ee Arbacada.
Waxaa la xasuustaa in kooxda Arteta ay 3-0 kaga adkaatay Real Madrid lugtii hore toddobaadkii hore oo ka dhacday Emirates.
Laba gool oo uu dhaliyay Declan Rice iyo hal gool oo uu dhaliyay Mikel Merino ayaa guusha u sahashay kooxda ka dhisan Waqooyiga London ee Premier League oo ka adkaatay kooxda uu hogaamiyo Carlo Ancelotti.
Isagoo ka hadlayay qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka Rio Ferdinand Presents ee podcast-ka, xiddigii hore ee xulka England ayaa kula taliyay Arteta in kooxdiisu ay si geesinimo leh ula ciyaarto kooxda martida loo yahay ee Santiago Bernabeu.
“Sidee ayuu Mikel Arteta u diyaarin doonaa kooxdan si ay u wajahdo ciyaartan? Waxaan u maleynayaa in taasi ay ka mid noqon doonto waxyaabaha ugu muhiimsan ee ciyaarta,” ayuu yiri Ferdinand.
“Ma wuxuu u baxayaa si uu u yiraahdo, ‘Aan is difaacno, aan ilaashano waxa aan heysano, aan fariisanno oo aan sugno’, mise wuxuu oranayaa, ‘Taga! Aan weerarno maxaa yeelay haddii aan hal gool dhalino, waa inay afar dhaliyaan! Waa inay shan gool dhaliyaan si ay noogu guuleystaan, goormay naga dhalinayaan shan gool?’… taas ayaan sameyn lahaa.
“Anigu waxaan oran lahaa, ‘Dhagaystaayaal, aan aadno, aan u ciyaarno si geesinimo leh, garab istaag garab!‘”
0 Comments